
Wararka inaga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhow halkaas uu ka qarxay dagaal.
Dagaalkaani ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Ahlusunna waxaana uu ka socdaa nawaaxiga xarunta Inji ee ay degan yihiin hogaanka Ahlusunna.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen rasaas culus oo isqabsatay jawiguna uu isbedelay iyada oo lagu kala cararay goobihii ganacsiyada ee Ka ag dhawaa halka uu dagaalku Ka socdo.
Sidoo kale, xalay ayaa magaalada waxaa dagaal koobab uu ku dhexmaray Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka,waxayna shacabka magaalada dareemayaan cabsi xooggan.