Bangiga Aduunka oo Heshiis Cusub La Saxiixday Dowlada Somaliya

0
141

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Dowlada Federaalka Somaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa saxiixey heshiis ku saabsan wanaajinta iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Aduunka.

Kulanka heshiiska oo ka dhacay MagaaladaWashington ayaa ah mid dib loogu soo celinayo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeyey 30 sano kadib dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

Sidoo kale waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiirka in Wadadii dheereyd ee isbadalka Maaliyadda iyo dhaqaalaha uusan halkaan ku ekaan doonin,hayeeshee maanta uu yahay biloow wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah uu ku farxi karo balse aysan is dhigan doonin ilaa laga gaaro isku filnaasho buuxda.

Si kastaba arintu ha ahaatee wasaarada maaliyada dowlada federaalka ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii bangiga aduunka uu mar kale u aamini lahaa 30 sano kadib isla markaana deymaha lagu leeyahay somaliya looga cafin lahaa.