
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay eedeyntii cusleyd ee shalay uga timid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Nairobi ay faro-gelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Afhayeenka dowladda Kenya, Korneyl Cyrus Oguna oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Kenya aysan weli helin dacwad rasmi ah oo kaga timid Soomaaliya, marka laga reebo war-saxaafadeedka lagu baahiyey warbaahinta.
Waxa uu sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.
Oguna oo ka hadlay joogitaanka Cabdirashiid Janan, oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya ee Mandhera, ayaa yiri “Mana jirta sabab aanu u martigelino qof baxsad ah.”
Oguna oo wax lag aweydiiyey xiisadda Beled-Xaawo, oo ay isku hayaan ciidamada dowladda iyo Jubaland, ayaa sheegay in Kenya ay sugeyso amniga xuduudaheeda.