Madaxdii Ahlusuna oo Isku Dhiibay Dowlada

0
124

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Shaakir Cali Xassan oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Amniga guud ahaan deegaannada Galmudug ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya.

Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa imanaya kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay xoog kula wareegeen xaruntii ay ka deggenaayeen degmada Dhuusa-Mareeb ee Inji oo dagaal culus maalintii shalay uu ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsanaa ururka Ahlu Sunna Waljameeca,

Shirkiisa Jaraa’id ayuu ku sheegay in markii ay arkeen xaalada Galmudug guud ahaan garteen in ay u tanaasulaan sida uu hadalka u dhigay bulshada reer Galmudug, isaga oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo wixii hadda ka danbeeya in ay sugto nabad-galyada guud ahaan deegaannada Galmudug.

Warar subaxnimadii hore ee saakay soo baxay ayaa sheegaya in guud ahaan madaxdii Ahlu Sunna iyo saraakiishoodii isku dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo hadda sugaya Amnigooda.