
Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ay gacan ka geysten ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya lala eegtay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolkaasi.
Mareykanka ayaa shaaciyey weerarkaasi dhanka cirka uu ku khaarijiyey 2 masuuliyiin oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.
