
Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay magacaabeen guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.
Guddiga la Magacaabey oo ka kooban 17 Xubnood ayaa laga soo kala xulay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana ay ka Shaqeyn doonaan Qodobadaan soo socda.
1:Xeerka Degaameynta Kuraasta
2: Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka
3: Xeerka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland)
4: Xeerka Xaquuqda matalaada gobolka Banaadir.


