Ciidamada Dowlada oo Qarax Lagula Beegsaday Deegaanka Warmaxan

0
160

Warar aynu ka heleyno deegaanka warmaxan gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya in qarax halkaasi lagula beegsaday ciidamada dowlada.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday askar ku sugneyd deegaanka Warmaxan oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu geystay khasaare u badan dhimasho oo soo gaaray askarta lala eegtay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino, sida ay ku baahisay bogageeda Internet-ka.

Weli ma jiro war ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.