
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Xafiiskiisa waxaa uu si kala gooni gooni ah ugu qaabilay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug kana mid ah hoggaanka Ahlusunna.
Kulankii ugu horeeyey ayaa waxaa uu la yeeshay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, iyaga oo ka wada hadlay xaalada Galmudug, waxaana ay labada dhinac muujiyeen sida ay uga xun yihiin dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo sida looga gudbey caqabadihii jiray.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku amaanay hoggaanka Ahlusunna sida ay u muujiyeen tanaasulka iyo ka shaqeeynta dib u heshiisiinta deegaannada Galmudug maadaama horay uu u jiray khilaaf sababay gacan ka hadal.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Xafiiskiisa Madaxtooyada Galmudug waxaa uu ku qaabiley Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug kana mid ah hoggaanka Ahlusunna,waxaana ay ka wada hadleen sida wararku sheegayaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan loogana wada shaqeyn lahaa Galmudug horay u socota.
Kulanka Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska qaybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame, Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna iyo Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf.