Alshabab oo Weerar Kusoo Qaaday Xero ay Ciidamada Dowlada Ku Lahayeen Degmada Baardheere

0
71

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegeen inay ka warhayeen weerarkaas iskana difaaceen Al-Shabaab, sidoo kalena ay dagaalkii dhacay ku dileen hal xubin mid kalena nolosha ku qabteen.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidanka Dowladda ay daafaha Magaalada ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Weerarada ay alshabab kusoo qaadayaan degmada baardheere ayaa noqdey mid joogto ah 25-kii Bishii la soo dhaafay ee Febaraayo ayey aheyd kokii weerar ay halkaasi kusoo qaadeen ku dileen saddex Guddoomiye Waaxeed oo ka tirsanaa Maamulka degmada.