
Wararka naga soo gaarayo degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ka qarxay dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin gudaha Balad-xaawo, sidaasina uu dagaalka ku qarxay.
Dad ku sugan Balad-xaawo ayaa soo sheegaya inay maqlayaan jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, isla markaana xaalada aad u kacsan tahay.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.