
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka isbedelka loo baahan yahay oo uu sheegay inay kamid yihiin dhinaca doorashooyinka iyo Amniga.
Senator-ka oo la hadlaya warbaahinta ayaa sheegay in Madaxda hadda joogta ay yihiin kuwo doorasho galaya laba midkoodna ay noqoneyso inay soo laabtaan ama doorashada looga adkaado, balse ay xaalada dalka u muuqato mid amni buuxa uusan ka jirin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid in xilligaan aysan jirin baahi ay dowladda degmooyin ka tirsan gobolka Gedo u geyso Ciidamo, iyada oo la mari la’yahay degaannada ku yaalla duleedyada ku yaalla Magaalada Muqdisho.