Gudiyo Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Go,aan Ku Gaarey In La Joojiyo Qaadka Ka Yimaada Kenya

0
78

Kulan gaar ah oo ay Maanta yeesheen Guddiyada Arrimaha bulshada, Gaadiidka iyo Maaliyadda Golaha shacabka ayaa waxaa ay go’aan deg deg ah uga soo saareen Jaadka ka yimaada Kenya ee la keeno Soomaaliya maadaama dalkaasi lagu arkay dad qaba Cudurka Caronavirus.

Xubnaha Gudiga oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga fiirsado jaadka Soomaaliya uga yimaado Kenya sababo la xiriira cudurka Caronavirus oo dalal badan uu saameyn weyn ku yeeshay.

Gudoomiyaha Guddiga arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu kasoo gaarayo cabashooyin ku aadan Cudurka Carona, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay si Kumeel gaar ah u joojiso qaadka ka yimaada wadamada adreiska.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay joojiso ax kasta oo keeni kara cudurkaas,sida duulimaadyada ka imaanaya wadamada Cudurka uu saameeyey keenista qaadka iyo waxyaabo kale.