Maxaadan Ogeyn oo Ka Socda Magalada Baydhaba

0
100

Warar aynu ka heleyno mgalada baydhaba ayaa sheegaya inay gabagabo mareyso soo xulitaanka baarlamaanka labaad ee uu yeelan doono maamulka cabdicasiis Laftagareen kaasoo la filaayo in lasoo gabagabeeyo maalmaha soo socda.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in liiskan aysan kasoo dhex muuqan doonin dhamaan inta badan xildhibaanadii laaluushka u doontey magalada muqdisho xiligii ay xukuumada federaalka dadaalka dheer ugu jirtey sidii ay ku bedeli laheyd Shariif Xasan Sheekh Adan.

Xildhibaanada aan soo noqon doonin ayaa waxaa ugu horeeya sida aan wararka ku maqleyneyn Gudoomiyihii baarlamaanka baarlamaanka koonfur galbeed Cabdulkhadir Sheekh Unaa oo dadaalka dheer u galey sidii loosoo xiri lahaa Mukhtaar Roobow isla markaana ka shaqeeyey kala dirka gudigii doorashooyinka ee uu markaasi magacaabay Shariif Xasan.

Waxaa kaloo isna aydaan liiska ku arki doonin Xasan Eelaay oo hormuud ka ahaa xasuuqii ka dhacay magalada baydhaba xiligii doorashada dahsoon ay ka jirtey magalada baydhaba kaasoo ay ku dhinteen dad badan ilaa iyo maantana aan la iska xisaabin una baahan in la iska xisaabiyo dembigii uu shacabkaasi ka galayna laga abaal mariyo.

Waxaa kaloo isna liiskaas aydan ku arki doonin Ugaas Xasan wasiirka beenta iyo borobagandada ee maamulka shariif Xasan oo mar walba oo dad lagu dhibaateeyo magalada baydhabo micrafoonka la taagnaan jirey ineysan waxba ka jirin isla markaana beenin jirey dhamaan dhibaatooyinkii ka dhacay magalada baydhaba xiligii doorashada.

Waxaa jiri jirtey maahmaah somaaliyeed oo oroneysa god qiyaano ha godin ku dhici doontidaaba ma ogide, kuwa aan kor kusoo dheegay iyo kuwo kaloo badan oo dadaal dheer iyo laaluush badan kusoo qaatey in dad badan lagu dhibaateeyo magalada beydhabo xiligii doorashada si ay xilkooda usii heystaan ayaa maanta dibada lasoo dhigey waana wax lagu farxo.

Laaluush qaatoow ogow dhaqaale yar oo aad ku iibsato mansabka dadkaada in aysan wax badan oo faaiido ah kusoo kordhin doonin sharaf darada aad hada ku jirtaan iyo tu kaloo badana waa idiin dambeyn doontaa.