
Shir aan caadi eheyn oo Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle ku yeesheen magaalada Caasimada ah ee Jowhar ayey ku ansixiyeen miisaaniyada 2020, taasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada Hirshabelle.
Shirkani oo uu shir gudoominaayey Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo goob joog uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana looga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Miisaaniyada 2020, Qatarta Cudurka Saameynta ba’an ku hayo aduunka ee Coronovirus, sidii bulshada looga wacyi galin lahaa qatartaas, iyo Warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha Hirshabelle.
Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa meel mariyay Miisaaniyadda 2020 oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xarooda iyo deeqaha laga helo dowladda dhexe iyo hay’adaha caalimiga ah, waxaana ay gaareysaa miisaaniyadaasi $14,010,984.
Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa loo gudbin doonaa miisaaniyadda Golaha Wasiirada maanta ay ansixiyeen si iyaguna ay codka ugu qaadaan.