Taliyaha Ciidamada Amisom u Hambalyeeyey Ciidamadii La Wareegay Janaale

0
98

Dhawaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM waxaa ay ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Janaale ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ahaa deegaanada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta iyo Taliyaha Ciiddanka Uganda, Brig Richard Otto, waxay ku ammaaneen labada ciidan ee Dowlada iyo kuwa AMISOM xoreynta magaalada oo ay qiyaastii 30,000 oo qof ku sugan yihiin,waxaana ay sheegeen inay si buuxda ammaanka u xaqiijiyeen.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa ku tilmaamay hawlgalkaas mid guuleysay, waxaana uu sheegay in la diley Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab tiro kalena la dhaawacay.

Kuxigeenka Howlgalka AMISOM, Simon Mulongo, ayaa ugu hambalyeeyay XDS iyo AMISOM sida ay uga go’antahay nabada, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.