Wasiirka Dastuurka oo Kulan La Qaatey Ergeyga Qaramada Midoobey u Qabilsan Somaliya

0
99

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan, labada masuul ayaa ka wadahadlay horumarka laga gaaray geedi-socodka dib u eegista dastuurka waxa ayna isla soo qaadeen arrimo horay u sii dhaqaajinaya howlaha dhameeystirka dastuurka.

Wasiir Saalax oo ay shirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyha Arrimaha Warbaahinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, ayaa ka hadlay howlaha qabsoomay bilihii la soo dhaafay iyo kuwa u qorsheysan Wasaaradda iyo labada guddi ee qaran ee u xilsaaran dib u eegista dastuurka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Somaliya ee ku lugta leh arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka ay door wanaagsan ka qaadanayaan howsha socota maadaama ay horay heshiisyo wadashaqeyn iyo dhanka awoodaha ah ula galeen wasaaradaha dowlad goboleedyada.

Wasiir Saalax waxa uu dhinaca kale ka hadlay howlaha baaxadda leh ee wacyigelinta dadweynaha ee qabsoomay, waxa uuna sheegay in howlaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ee dib u eegista dastuurka la dardargelin doono isla markaana ay si joogta ah u socon doonaan si wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha dastuurka kor loogu qaado.

Ugu dambeyn Amb James Swan ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay hay’adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka waxa uuna soo hadal qaaday howlaha harsan ee u baahan in la qabto.