Gudoomiyahii Deegaanka Goof Gaduud oo Xalay La Diley

0
415

Rag hubeysnaa ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen goob uu ku sugnaa Guddoomiyihii deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay, iyaga oo dhaawac culus u geystay Guddoomiyihi degaankaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayan in Guddoomiyaha oo lagu Magacaabi jirey Xasan Mayow Isaaq dhaawacisisa oo aad u cuslaa la keenay Isbitaalka Magaalada Baydhabo, hayeeshee uu dhaawacii u geeriyoodey.

Ragga hubeysnaa ee weerarka ku diley Guddoomiyihii deegaanka Goof-Gaduud Buureey ayaa goobta ka baxsadey, waxaana la sheegay in xalay gudaha deegaankaas laga fuliyey howlgallo lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Hayeeshee Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu diley guddoomiyihii deegaanka Goof-Gaduud Buurey,iyaga oo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid horay loo qorsheeyey.