Maxkamada Ciidanka Qalabka-sida oo Sii Deysay Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Afgooye Kolka Dembi Lagu Waayey

0
99

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay siideysay rag uu ku jiro Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Afgooye, kuwaasoo loo xirey tuhun la xiriira inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug lahaayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u codsadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.