Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo Howlgalo Ka Wada Degmada Kunturwaarey iyo Nawaaxigeeda

0
166

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo iyo dhaq dhaqaayo Ciidan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada oo dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay haatan howlgallo ka wadaan meel u dhow Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, halkaas oo ay ku xoogan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaannada ay howlgallada ka socdaan ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in ay Al-Shabaab bilaabeen inay isaga baxaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale.

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi ku darey in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale ay aadeen dhinaca deegaannada Gobolka Jubbada dhexe ay ka maamulaan.