Gudiga ururka dhalinyarada beesha jiido ayaa oo Hambalyeeyey Xildhibanada cusub ee Barlamankii 2aad ee KG

0
776

Kulan ay gelinkii dambe ee shaley isugu yimaadeen gudiga dhalinyarada beesha jiido ayaa waxaa ay ugu mahad celiyeen howshii balaarneyd ee ay Gudigii farsamada iyo Odayaashii dhaqanka oo dadaalka dheer ku bixiyeeen soo xulista xildhibaano tayo sare leh oo u badan aqoonyahano iyo dhalinyaro xambarsan himilooyin cusub

Gudiga ayaa sidoo kale hambalyo u direy xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad koonfur galbeed ayagoo u sheegay in ay shaqo badan hortaalo isla markaana looga fadhiyo in konfur galbeed horumariyaan.

Gudoonka ururka dhalinyarada beesha jiido ayaa sheegay in mar waliba u tagan yahay hormarka dhalinyarada, odayaasha iyo siyaasiyiinta.

Ugu dambeyn gudiga ayaa wexey ugu baaqeen dhamaan dhalinyarada reer koonfur galbeed in ay u istaagaan dhisida deegaanadooda iyo iney muujiyaan isku duubni buuxda si konfur galbeed ay ula jaan qaado maamul goboleedyada kale.