Ciidamo Itoobiyaan ah oo Maalintii Shaley Soo Gaaray Magalada Doolow

0
242

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Doolow ee gobolka Gedo aayaa sheegaya in ciidamo itoobiyaan ah oo maalintii shaley kasoo gudbey xadka somaliya iyo itoobiya ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha ee magalada dooloow.

Ciidankaan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan dowladda oo bilooyin ka hor la geeyay gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada sugi doona Ammaanka Dollow.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay garoonka dollow uga la wareegtay Ciidanka maamulka Jubbaland kadib markii khilaaf uu soo gala dhex galay maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.