Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo Ka Shirey Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed.

1
177

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku yeeshay Shir looga soo horjeeday Xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada Shirka yeeshay oo kasoo jeedda degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si cad uga soo horjeestay Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in kaliyah laga siiyay 9 Mudane’ Taasoo dadka reer koofnru galbeed ay sheegeen in lagu badiyey ayna qalad ahayd in la siiyo 9 xildhibaan.

Wasiirada Shirka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta Eng Canshuur, Wasiirka ganacsiga Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumadda Kheyre.

Waxaa jirta maamaah oraneysa baadi kugu raagtey waxaad oodaa inaad adiga leedahay taasoo aan ula jeedo indho xernaanta iyo iska yeelyeelka ay ku jiraan siyaasiyiinta beelaha hawiye. Idinkoon meel dheer wax ka fiirin waxaad dib u milicsataan qaabka uu u sameysan yahay maamulka gobolka banaadir meeqo reer koonfur galbeed ayaa ku jira maamulkaas.

1 COMMENT

  1. Kuwaas Xuquuq doon ma ahan, ee waxay weli daba taagan yihiin xaq darrada ay soo jireenka ah ee deegaanadan ku hayaan.

    Laakiinse ha xasuusnaadaan;
    “XAQ DARRO MA NEGAAN DOONTO, LAGUMANA NAALOON DOONO!”

Comments are closed.