
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo horjeedey Siyaasadda Madaxda dowladda ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka badbaadey iskuday lagu doonayey in lagu weeraro hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in laba habeen oo isku xigta dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul geysay agagaarka Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana ay Madaxda Dowladda mas’uul ka yihiin cawaaqibka ka dhasha Madaxda Sare ee Dowladda.