Xukuumada oo Beenisay Inay Weerar Ku Aheyd Guriga Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif

0
96

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxay waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymaha lagu xusay qoraalkii ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, kaasoo lagu sheegay in hey’adaha Amniga ay abaabuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweynayaal ka horeeyay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tursan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas darteed aysan suura gal aheyn warar haatan la faafinayo.