
Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad ayaa guulo ka sheegtey dagaal ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Dooynuunaay ee gobolka Bay, kadib markii deegaankaasi ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.
Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo gaareey deegaanka Deeynuunaay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.
Ugu dambeyn waxaa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay ka war qabeen weerarka, isla markaana iyagoo kafeejigan ay ka hortageen haatana ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay deegaannada Gobolka Baay uga saarayaan Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka laga helay deegaanka Dooynuunaay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidanka dowladda ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.