
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay Diyaaraha Imaaraatka Carabta laga leeyahay ee ka dega maalintii shaley Garoonka Diyaaraha Cigaal Airport ee Magaalada Hargeysa.
Wasiir Oomaar ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duullimaadyada ka sameynaya Hargeysa iyaga oo og Xayiraadda dalka loo saaray kahor tagga Caabuqa Coronavirus in ay u dhega nuglaadaan hirgelinta.
Waxa uu sheegay in marmar Duullimaadyada loo fasaxo Shirkado la og yahay sababta duullimaadkooda, waxaana uu ka digay in la iska indho-tiro go’aamada Dowladda Soomaaliya oo la socoto dhaqdhaqaaqa duullimaadyada Hawada Dalka.
Wasiir Oomaar ayaa sheegey in Dowladda Soomaaliya ay muddo joojisay duullimaadyada Caalamiga ah sabab la xiriirka kahor tagga Covid-19, kaliya waxaa fasaxan Diyaaradaha gargaarka oo iyaga qudhooda la og yahay.