
Fadeexad ka dhan ah Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii soo ifbaxday, ka dib markii roobab xoogan ay burbur u gaysteen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe.
Garoonkan ayaa waxaa la sheegay in ay dhismihiisa ku baxday lacag dhan afar dhibic saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.3m).
Waxay noqotay arrin dad badani ka yaabisay burburka xoogan ay roobab u gaysteen Garoonka Baraawe, taas oo muujinaysa inaanan si sax ahi loogu hawlgelin dhismihiisa.
Garoonka oo si macmal uun loo dhisay ayaan hadda ka dib awoodi doonin in ay duulimaadyadu ka deggaan, bacdamaa ay burburtay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan, kolka ay ka degayaan iyo marka ay ka duulayaanba.
Midowga Yurub oo maalgeliyay dhismaha garoonkan ayaa u wakiishay Hay’adda Somali Stability Fund (SSF). SSF ayaana qandaraaska dhismahaasi ku wareejisay shirkad lagu magacaabo Buubaal Investment & General Trading Company. Milkiilaha shirkadan waa Nuur Cali Buubaal, oo ay ehel yihiin Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa 10-kii bishan xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee markii ugu horeysay laga hirgeliyay Degmada Baraawe.


