
Maamul Gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay maanta karantiileen Shan Qof oo laga helay Calaamadaha Cudurka Corono.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in Shan qof oo laga helay calaamadaha cudurka caronoviruska la karantiilay balse aysan Ka Wasaarad ahaan cadeynin in Cudurkii hayo.
Dadka la karantiilay waxaa ka mid ah Nin Ajnabi ah oo aan Dhalashadiisa aysan soo bandhigin Maamul Gobolleedka Puntland.
Maamulka ayaa sheegay in dadkasi la geeyey meel loo diyaariyey in lagu kantiilo dadka qaba cudurka coronoviruska amaba uu kusoo boxo calaamadihiisa.