AMISOM ayaa xanibtay gelitaanka xarunta Halane oo ay ku yaalliin safaarado shisheeye iyo taliska guud ee ciiddanka Amisom. Xanibaadaan waxay qayb ka tahay dadaal loogu talagalay in lagu joojiyo fiditaanka Coronvirus.
Bayaan kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo cudurka coronavirus ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee caawa.