Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey qarixii is-miidaamiinta ee ay xalay Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xog ku aadan weerarkaasi.
Deni ayaa marka hore tacsi u diray ehellada maruuxm Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo ahaan guddoomiyihii gobolka Nugaal oo ku geeriyoodey qaraxaasi.
Sidoo kale wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.