Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka oo Ka Cabaneysa Faragelin ay Kala Kulantey Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka

0
62

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa khamiistii todobaadkaan baarlamaanka Soomaaliya u sheegtay in shaqada guddiga ay baarlamaanka ku milmeen.

Xaliimo Yareey, oo warbixin siineysay guddiga kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan sameynta sharciyada kale ee dhameystiraya sharciga doorashooyinka, ayaa sheegtay in shaqadii gudigeeda ay faro-gelin ku hayaan oo ay si dadban la-wareegeen baarlamaanka arrintaasina ay tahay nasiib darro weyn.

Goobta ay hadalkaan ka sheegeysay Xaliimo Yareey ayaa waxaa ku sugnaa ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna wararku sheegayaan in xubno ka tirsan guddiga ay qirsan yihiin doodda Xaliimo yareey.

Inkastoo ay Xaliimo Yareey iyo guddigeeda shaqadaan u fasaxeen guddiga baarlamanka, hadane waxay sheegtay in arintaan ay abuuri karto caqabado kale oo hor leh.