Degeyso Waalida Mid ka Mid ah Xildhibaanada Beesha Hawiye oo Sheegana Inay ka Degaan Gobolka Shabelaha Hoose 65%

0
90

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo inta badan iska hadla hadalkiisana aan ku fadhin micno badan oo la hadley Dhacdo Tv ayaa waxaa uu sheegay in sadbursi lagu geystey beelaha hawiye maamul goboleedka koonfur galbeed.

Xildhibaanka aya isaga oon u meel dayan waxaa kaloo uu sheegay in beelaha hawiye ay degaan 65% gobolka shabelaha hoose sidaas daraadeedna ay aheyd in ay ka helaan xildhibaanada ugu badan ee dhawaan laga soo xulay maamulka koonfur galbeed, Taasoo aad moodo in uu heysto qaaidadii ahayd ku qabso ku qadi meyside.

Xildhibaanka ayaad moodaa in ay weli ku jirto falsafadii dhul boobka ee inta badan laga soo gudbey waxaana uu xaqirayaa in 8da degmo ee uu ka kooban yahay gobolka shabelaha hoose degmo kasta ay degen yihiin reer, Reerka uu ka hadlayana ay deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeele iyo Galmudug.

Xildhibaanka oo ay xusuustiisu ka biaabaneyso xiligii dhulboob dabayaaqadii 1990 in uu ku saleeyo inay deegaanka degen yihiin isagoo og in intooda badan howsha ilaa iyo maanta ay gobolka ka wadaa inay tahay Isbaaro iyo dhac.

Xildhibaanka waxaa kaloo uu ilowsan yahay ama aysan xusuustiisa ku jirin isla markaana uusan rabin inuu ogaado in kuwa hada deegaanka ka dhigtey ceelashabiyaha iyo Xaawo Cabdi iney soo degeen xiligii Cabdullahi Yusuf uu muqdisho keenay ciidamada itoobiyaanka ayagoo kasoo qaxay xabadaha iyo madaafiicda ay ridayeen ciidanka itoobiyaanka.

Dhanka kale waxaa nasiib daro ah in odayaasha dhaqanka gobolka shabelaha hoose iyo xildhibanada koonfur galbeed ee ka tirsan baarlamaanka federaalka in aysan marnaba ka hadlin dulmiga lagu hayo shacabka gobolka shabelaha hoose, Hadey noqon laheyd kuwa xamar lagu dhibaateynayo ama kuwa inta deegaanadoodu loogu yimid la rabana in laga barakiciyo.