Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo maalintii shaley shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho kagana warbixiyey arimo soo kordhay oo ku saabsan dhulka danta guud ee boobka lexaadka leh lagu hayo.
Taliye Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxa uu sheegay in Dhul Asluubta Soomaaliyeed leeyihiin ay jiraan oo Xubno Dawlada Xilal kasoo qabtay iyo kuwo hadda ku jira Dawlada ay Dhul boobkaasi ka wadaan Qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Labada Shabelle.