Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamul Koonfur Galbeed Korneyl Cabdi Ibrahim Shaamow Cabdi-Dheere ayaa maanta kormeer kutagay xarunta dembi baarista gobolka bay ee Magaalada Baydhabo.
Taliyaha ayaa halkaasi kula kulmay qaar ka tirsan ciidanka xarunta dembi baariska ee magalada baydhabo isagoo ka wareystey xaaladooda guud iyo weliba waxa ay u baahan yihiin in laga caawiyo si howshooda u gutaan.
Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu taliyaha cusub halkaasi ku talo tan iyo intii la magacaabay waxaana la filayaa in uu wax badan ka bedelo qaabka ay u shaqeeyaan Xarumaha dembi baarista maamul goboleedka koonfur galbeed.