Maamulka Puntland ayaa soo saarey dhowr amar oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus, waxaana amarkaas kamid ah bandow Habeenkii ah oo lagu soo rogayo dhamaan Magaalooyinka Puntland, kaasoo soconaya muddo 15 Cisho ah.
Inta badan Magaalooyinka Puntand ayaa waxaa ka dhaqan galay bandowga oo bilaabanayey 6:00 Maqribnimo kuna eg ilaa 5:00 Subaxnimo, iyada oo ay istaageen isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Magaalooyinka, Garoowe,W aqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Boosaaso,Khardho, Carmo iyo deegaano badan oo ka tirsan puntland ayuu amarka bandowga ah ka dhaqan galay, waxaana wadooyinka lagu arkayay ciidamo farabadan oo fulinaya amarka Madaxda sare ee puntland.
Taliye Qeybta Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Guud ahaan deegaannada Puntland uu ka dhaqan galay bandowga, isla markaana dhamaan ay hakad galeen isku socodka dadka iyo Ganacsiga habeenkii.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta uu socdo bandowga kaliya la fasaxay inay socdaan Mas’uuliyiinta xillaka ka haaya maamulka iyo Wariyeyaasha doonaya inay Warbixino ka diyaariyaan sida uu u dhaqan galay bandowga iyo howlaha kale ee ka socda deegaannada Puntland.