Dagaal ayaa maqribnimadii caawa ka bilwodey degmada walweyn kaasoo uu u dhexeeyo beelaha shanta caleemod iyo gaaljecel oo beryahan dhibaato ba,an ku hayey shacabka degmada walaweyn.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu ku bilowdey kadib kolkii maleeshiyaad isbaarooleey ah oo ka tirsan beesha gaaljecel ay si ula kac ah ay xabad ku fureen wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa dhalinyarada deegaanka.
Weli ma jirto cid xaqiijin karta qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan weli waxaa gudaha magalada laga maqlayaa xabado si talantaali ah u dhacay waxaan isku deyney inaan la xiriirno gudoomiyaha degmada walaweyn Maxamed Siidow si aan wax uga ogaano xaalada ay degmada hada ku sugan tahay taasina nooma suura gelin.
Dhinaca kale waxaa jiray warar sheegaya in gudaha magaalada ay ka socdeen howlgalo hubka looga arurinayo maleeshiyaadka isbaarooleyda ah ee sida sharci darada hubka ugu dhex sita magaladaa taasoo ay sameynayeen ciidamada milateriga ee ka howlgala deegaanadaas.