Maxaa Ka jira Wararka Sheegaya In Agaasime Ku Xigeenka Wasarada Caafimaadka Xabsiga Loo Taxaabay

0
110

Warar laga helayo magalada muqdisho ayaa sheegaya in Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle ay Ciidamada Booliska ka xireen gurigiisa.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud ayaa sheegaya in Agaasimaha loo heysto arrimo la xiriira musuq maasuq.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Agaasimaha la weydiinayo su’aalo la xiriira halka ay ku maqan yihiin lacagahaas, waxaana shalay Hantidhowrka Guud uu baaritaan ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in lacagaha maqan ay yihiin lacago loogu tala galay arrimaha caafimaadka iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo ay bixiyeen Hey’addaha UN-ka.

Waxaa kaloo la sheegayaa in Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka la tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha arrimahan musuq maasuqa ah, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in lacagtaas loo isticmaalay Adeegga Ganacsiga Online-ka ee Forex.