Safarada Mareykanka oo Ka Hortimid Eedeyntii Nisa Ay Ku Heysatey Suxufi Haaruun Macruuf

0
155

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa difaacday suxufiga caanka ah ee Haaruuf Macruuf kadib markii dhawaan hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ugu hanjabtay inay tilaabo ka qaadidoonaan.

Qoraal lagusoo daabacay Twitterka safaaradda Maraykanka ayaa lagu yidhi.” Harun Macruf waa nin xushmad leh oo xirfadyahan ah. Waana mid kamid kamid ah suxufiyiinta ee ugu saameynta badan Soomaaliya.”

Safaaradda waxay hadalkeeda ku dartay hanjabaada NISA in ay qatar ku tahay Xoriyadda Saxaafadda iyo Warbaahinta madaxa bannaan oo aasaas u ah dimoqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

NISA ayaa ku eedeeysay weriye Harun Macruf inuu uu khatar ku yahay Amniga soomaaliya. waxayna hay’adda dowladda uga digtay inay xidhiidh la sameeyaan.