Cabdulkhadir Shariif Sheekhuna oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasarada Ganacsiga

0
109

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Gaalbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye u magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha dalka ayaa lagu magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Isla markaana uu bedeli doono Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go .

Xilkan loo magacaabay Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ah xil lagu qancin doono maadaama uu xukuumada ka taageeray in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo qabto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Si kastaba arintu ha ahaatee xilkan qancista ah ayaad moodaa inuu yahay mid socon doona in ka yar hal sano taasoo tusaale badan u noqon doonta dadka dantooda ka hor mariya mar walba danta guud.