Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay falalkii kufsiga ahaa ee labada gabdhood ee aadka u da’da yaraa loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo mid kale oo isna gabar aad u yar loogu geystay degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in kiisaskaas dad badan loo soo qabtay, haatana ay wadaan baaritaan xoog leh oo ku socda dadkaas lagu tuhmayo, inkastoo uusan soo bandhigin tirada dadka loo soo qabtay falalkaas.
Sidoo kale qoysaska ay kasoo jeedaan gabdhahaas dhibanayaasha ah ayuu ka dalbaday in aysan aqbalin fariimaha uga imaanaya odayaasha dhaqanka ee doonaya in si hoose wax loo xaliyo.
Ugu dambeyntii Xeer ilaaliyaha ayaa warbaahinta iyo hey’adaha xuquuqda aadanaha ka dalbaday in baaritaanka arintaan ay u daayaan xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hey’adaha kale ee dembi barista, waxuuna carabka ku adkeeyey in ay cadaaladda hor keeni doonaan dadkii geystay.