Gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa gaaray degmada walaweyn gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka-sida, Waziiro ka tirsan Maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyo maamulka Gobolka Shabeelaha hoose.
Wafdigaan ayaa waxaa u dhagtaagayey, shacabka Dagmada wanlaweyn oo aad u dhowrayay tan iyo markii lasheegay in ay ku soo wajahan yihiin deegaankan colaadu kajirto Wariyayaasha Radio wanlaweyn oo heegan ugu jiray in ey soo gudbiyaan xogta waftigaan iyo howsha ey”wadaan.
Waxaana ka dhacay goobta wax aan u wanaagsaneen saxaafada xorta ee somaliya waxaana naloo diiday haba yaraatee in aan wax kaduubno cod sawir ama video waxaana nalagu sameyey handadaad iyo in nala dhoho ka saara Meesha waana wax laga xumaado wariyayaal u taagan tabinta xogta rasmiga ah ee kajirta goobta in falkaan lagu sameeyo wariyayaasha falkaan ku kacay waxa ey”ka tirsanyihiin tv ga Qaranka.
waxaana kasoo laabany anagoo fara maran waxaana u aragnay in ey”eheed xad gudub nalagu sameeyey dadka loo imaaday in la nabadeeyo oo nabad laka dhax dhigo ma tvga qaranka eyey war kasugaayaan dadkan ma heystaan badankooda tv idaacad kale oo halkaan laga dhageystaana majirto waxaan ku dhex jirnaa colaad waxaa aan ugu dhaxjirnana waa in aan Bulshadeena u adeegno oo aana u soo tabino xog xaqiiq ah.
in kabadan 5saacadood ayaan sugaynay si aan shacabka Dagmada warkaa ugu soo gudbino kuwaa oo rajaynaayay in ey” maqlaan war farxad galinaya oo ey ku seexdaan waxaana ka xunahay in aan u soo gubin weyno bulshada warka ey naga sugaayeen.
Waana markii ugu horeysay ee sidaaan nalagu sameeyo manihin idaacad sii hurinaysay colaada ee waxaan eheen idaacad ku daaleysay sidii Bulshda ey nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Waxaan codsaneynaa in loo madax baneeyo saxaafada in ey tabiso waxyaabaha saxda ah ee dhax dhaxaadka ah ee loo baahan yahay in Bulshada in lagaarsiiyo iyo in wax laga qabto xadgudubkaan nalagu sameeyay.
Idaacada Radio Walaweyn.