Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo u Hadley Sidii Ruux aan Ogeyn Dhibta Degmada waxa Ay Salka ku heyso

0
281

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibrahim Adan Ali (Najax) oo odayaasha dhaqanka walaweyn maalintii shalay kula hadley degmada walaweyn ayaa iska dhigay sidii ruux aan la socon dhibaatada in mudo ahba ka taagneyd degmada walalweyn.

Sida aynu ka war heyno dhowr mar ayaa shacabka degmada ayaga dowco ka ah isbaarooyinka yaala degmada kala hadley gudoomiyaha una sheegay in ay keeno karto dhibaatooyin hadaan la qaadin taasoo uusan waxba ka qaban.

Gudoomiyaha oo aad moodo in uu gudan waayey waajibadkii loo xisaaray ayaad moodaa in uu eeda dusha ka saarayo qurba joogta deegaanka isagoo ku eedeynayo in ay hormuud ka yihiin dhibta ka taagan degmada tasoo xaqiiqada ka fog.