Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Korneeyl Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray maalintii shaley degmada Walaweeyn ee gobolka Shabeelada Hoose oo dhawaan aay ka dhaceen dagaalo geestay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa la kulmay qeeybaha bulshada, maamulka gobolka Shabelada Hoose iyo wasiiro ka socday maamulka Koofurgalbeed, waxaana ay kala hadleen in ay u socdaan in baaritaano lagu sameeyo dhibaatooyinkii dhacay intii aay socdeen dagaalada Walaweeyn.
Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo munaasabada kahadlay ayaa yiri “Waxaan u imaanay halkaan inaan fulino ciqaabta kuwii muuqaalkeena xumeeyay islamarkaana gubay, gowracay dad aan waxba galabsan, waxaan balan qaadeynaa inaan fulin doona shaqadii aan halkaan u nimid. Sidoo kale waxaan amranayaa ciidanka Danab inaay gacanta ku haayaan amniga degmada, waxaana ku wargalinayaa qofkii ay arkaan inuu dhib wado inaay noogu keenaan nolol iyo geeri”.