Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay soo rogto go’aano adag oo horleh si looga hortago faafitaanka Coronavirus, sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.
Go’aanada oo la tashiyadii ugu dambeeyay ay ka leeyihiin madaxda waxaa qeyb ka noqon kara in gebi ahaanba la mamnuuco isu imaatinka.
Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin, xubin ka tirsan guddiga heer federaal ka hortagga cudurka, ayaa xoojiyey baahida loo qabo go’aano adag, inkastoo uu dadka ugu baaqay in walbahaar badan aysan muujin.
Sidda laga soo xigtay Jamaaludiin, go’aanada xukuumadda kasoo bixi kara waxaa qeyb ka noqon kara in Salaada Jimcada soo aadan aanan lagu tukan jameecada iyo in la xiro gebi ahaanba Masaajida.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu caddeeyay in xanuunka uu ku dhex-faafay gudaha magaalada Muqdisho isla markaana ay odrsayaan in