Cisbitaalka Erdogan EX-digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba joojiyay howlahii caafimaad ee uu u yahay bulshada Soomaaliyeed, sida lagasoo xigtay masuuliyiinta gacanta ku haysa, shaqo joojinta cisbitaalka ayaa bilaabaneysa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegantahay 11-April-2020-ka, waxaana dib loo furayaa 31-May-2020-ka.
Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Cisbitalkaasi uu qeyb ka noqon doono goobaha caafimaad ee lagula tacaalayo bukaannada uu soo ritay xanuunka COVID-19 oo hadda 21 kiis laga helay Soomaaliya, sidoo kale warka ayaa intaa ku daraya in Cisbitaalka Sheikh Zeyed ee ku yaalla degmada Cabdicasiis uu isna kamid noqon doono xarumaha loo adeegsan doono in bukaannada qaba Coronavirus lagu dabiibo, maadaama labadaan goob ay leeyihiin mashiinnada naqaska ka saacida bukaannada.
Sidoo kale laba kamid ah shaqaalaha Cisbitaalka Erdogan EX-digfeer ayaa waxaa lagusoo warramayaa in laga helay laba kiis oo ah xanuunka COVID-19, wallow aysan si rasmi ah u xaqiijin wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka dalka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay iney kordhaan dadka qaadaya bushiga Coronavirus, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi.