Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Qaataan Fariimaha Looga Hortagayo Corono Viruska

0
59

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka kula dardaarmay in ay qaataan Tallooyinka Caafimaad, maadaama ay sii kordhiyeen kiisaska dadka uu haleelay Coronavirus.

Waxa uu sheegay in qaadashada fariimaha Caafimaad uu yahay xalka kaliya ee looga badbaadi karo cudurka Corona, isaga oo intaa ku daray in dalalka kala duwan ee Caalamka ay dadkoodu fuliyaan tallooyinka la siinayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kiisaska Coronarivus uu sii kordhayo, sababta waxa uu ku sifeeyay in dadka ay yareysanayaan, cudurkana si fudud uu usii gudbayo.

Waxaa sii kordhay kiisaska cusub Coronavirus ee Soomaaliya waxaana dhimashada ay mareysaa 2-qof, halka dadka uu haleelay ay gaareen 25-ruux sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.