Maxkamada Ciidanka Qalabka-sida oo Shaqsiyaad Dacwad Kusoo Oogtey

0
231

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa dacwad kusoo oogtay Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan oo kala tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen hurinta dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo heystaa in ay ka qeyb ahaayeen dagaalladii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo Xildhibaanada lagu eedeyay hurinta Colaad beeleedyada.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada ayaa sheegay in maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga dalbanaayo in Xildhibaanadaasi Maxkamad la geeyo iyo xarumaha baarista.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka loo heysto dagaalkii Walaweyn Salaad Tifow oo ah abaanduulaha qeybta 7-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dacwadan ay maxkamada kusoo oogtey qaar ka tirsan xildhibaanada konfur galbeed ayaad moodaa mid la rabo in lagu marin habaabiyo xaqiiqda dhabta ah ee ka dhacdey degmada walaweyn taasoo ayaan daro ah loona baahan yahay in runta la dul istaago isla markaana cadaalad dhab ah la helo.