Shacabka Magalada Muqdisho oo Lagu Amrey Inay Guryahooda Joogaan Xiliga Habeenkii

0
83

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqdey in laga bilaabo 15 Bishan April Magaalada Muqdisho xilliyada habeenkii la gelinayo Bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sheegay in si loo yareeyo faafida Cudurka Coronavirus ay talaabadaasi u qaadeen balse uusan saameyn doonin dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Dadka Muqdisho ku nool ayuu ugu baaqey Taliye Xijaar inay u hoggaan samaan Amarka kasoo baxey waxaa uu sidoo kale Ciidamada ugu baaqey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka, kuwooda ugu liitana ayna u fududeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen halka ay doonayaan.

Bandowgan ay xukuumada kusoo rogtey magalada muqdisho ayaad moodaa in uu wax yar yareyn doono faafida cudurka corono viruska.