Diyaaradaha Ciidamada Itoobiya oo Weerar Ku Fuliyey Alshabab

0
76

Taliska ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay weerar ay diyaaradahooda ku qaadeen Koratale iyo Yurkud iney ku dileen 17 dabley oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Habtom Zenebe Ku xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee Bariga Itoobiya wuxuu sheegay ciidamada Al-shabaab ay weerarkaasi ku dileen iney dhammaantood ahaayeen kuwa u qaabilsanaa aasidda miinooyinka.

War murtiyeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga waxaa lagu sheegay Al-Shabaabka la laayey iney ka kicitimeen Dolow ayna damceen ciidamada Itoobiya oo kolonya ah oo maraya agagaarka Baydhaba ay weerar miino la beegsadaan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Ciidanka Itoobiya ee weerarka ka dhacay degaanka Yurkud.