Dowlada Somaliya oo Loogu Deeqay Gargaar Caafimaad oo ay Kula Dagaalanto Cudurka Coronoviruska

0
75

Dowladda Imaaraatka Carabka ayaa Diyaaraddii ugu horeysay ee sida Qalabka Caafimaad oo loogu tala galay la tacaalida cudurka coroviruska waxay soo gaarsiiyay Magaaladda Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS.

Deeqdan ayaa waxa ay dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona virus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan.

Cudurkan coronoviruska ayaa dhibaato ba.an ku haya caalamka oo dhan ayaadoo la tacaalistiisa ay dhib badan kala kulmayaan dowladahada horey u marey ayaad hadana arkeysaa in uu dad badan ka laayey.